daajis.com:-Sakariye Ismaaciil Xersi oo u qaabilsanaa Ururka Al shabaab Sirdoonka iyo Xog uruurinta ayaa maanta sheegay in uu ka tanaasulay Fikirka Al Shabaab
Sakariye Ismaaciil Xersi oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa wuxuu sheegay sababihii uu uga laabtay mabda’ii Al Shabaab.
Sakariye, ayaa dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ugu baaqay inay ka tanaasulaan fikirkaasi, kana soo baxaan Ururka mayalka adag ee dagaalada ka wada Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.
Waxaan Fikirada Ururka Al Shabaab uga baxay ka dib markaan ogaaday in:-
1- In laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed.2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay.3- Xariirkii bulshada oo xumaaday loona turi waayay.4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba.5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday.Hoose ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at