daajis.com:-Magaalada New Delhi ee Xarunta India, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo ay India ugu dabaal dageyso xilligii madax banaanideeda ay ka qaadatay Boqortooyada Britain.
Munaasabadaan, ayaa waxaa dalka India kala qaybgalay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack Obama, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykanka ah, oo India kala qaybgala xuska xoriyadeeda.
Madaxweynaha Mareykanka oo Axadii gaaray Magaalada New Delhi, ayaa waxaa booqashadiisaan ku wehlineysa marwada 1-aad ee dalka Mareykanka Michelle Obama.
India, ayaa Magaalada New Delhi ku soo bandhigtay quwadeeda militari, sidoo kale waxay soo bandhigtay ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, ee dadka Hindiga ihi ay caanka ku yihiin.
Ra’iisal Wasaaraha India Narenda Modi, ayaa waxay Warbaahinta Caalamka hadalheysaa in sanadkaan uu wax ka bedelay qaabka dabaal degga ee xoriyada dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at