Daawo Sawirada:- Laacib u dhashay Dalka Jarmalka oo Qaatay Diinta Islaamka

Daawo Sawirada:- Laacib u dhashay Dalka Jarmalka oo Qaatay Diinta Islaamka

daajis.com:- Da’ yarka Jarmalka ee kubada cagta Danny Blum ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinteena naxariista badna ee Islaamka, isagoo ku qeexay inay tahay diin rajo iyo awoodba siineysa shaqsiga.

Danny Blum ayaa yiri: “Islaamka waxa uu I siiyay awood. Salaada waxa ay dejisaa ruuxdeyda.

“Waxaan ahaa mid careysan, mana aanan aqoonin meesha aan leeyahay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.


Blum ayaa ku biiray kooxda FC Nurnberg bishii July ee sannadkii hore. Kooxdiisa waxa ay ka ciyaartaa horyaalka heerka labaad ee Jarmalka.

Wax yar ka dib markii uu ku biiray kooxda waxa uu ka dhaawacmay jilibka, waxaana lagu qasbay inuu lix bilood garoomada ka maqnaado.

Isbuucyo yar ka hor, waxa go’aansaday inuu qaato diinta Islaamka.

“Waxaan booqday Masjid, waxaana durbadiiba sarre u kacay garaacista wadnaheyga. Waxaan dareemay inay meeshaan igu haboon tahay, waxaana rabay inaan wax badan ka sii ogaado” ayuu u sheegay jariirada Bild.

Tan iyo markaas, waxa uu tukadaa shanta waqti, waxaana uu cunaa raashiin xalaal ah. Waxa uu go’aankiisa ku wargeliyay waalidkiis, 24 jirkaan ayaana sheegay inay markii hore cabsi muujiyeen.

“Waalidkey waa kuwa u go’ay diinta kirishtaanka. Laakiin waxa ay ii sheegeen inaan aado wadada aan aaminsanahay inay saxan tahay” ayuu yiri.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada