Daawo:- Soomaalida Swedan oo Laga Farxiyay

Daawo:- Soomaalida Swedan oo Laga Farxiyay

daajis.com:- Kulan ay shalay isugu yimaadeen 54 urur oo ka tirsan xisbigaSocialdemokraterna oo lagu ururinayay hindisayaal iyo mooshino siyaasadeed, la rabo in loo gudbiya shirarka heer gobol iyo heer qaran ee xisbigan.

Hindisayaasha siyaasadeed ee kulankan lagu ansixiyay waxaa ka mid ahaa, mooshin Soomaalida reer Sweden loogu fududaynayo in ay dhalashada Sweden ku qaataan 4-5 sanno, oo ah mudda ay ku qaataan dadka ajnebiga ah. Halka maanta ay Soomaalidu dhalashada waddankan dalbadaan 8 sanno ka dib.

Mooshinkan ayaa hadda u gudbay heer gobol, haddii uu heer gobol ka gudbana, waxaa loo gudbin doona heer qaran.

Mooshinkan waxaa diyaariyay Xildhibaan Mubarik Abdirahman, Abdulkhadir Mohamed iyo Peter Johansson, oo tirsan laanta xisbiga Socialdemokraterna ee Malmö.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada