daajis.com:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in Dastuurka dalka Soomaaliya u yaalo uusan aheyn mid KMG ah.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu weydiiyay su’aal aheyd in Dastuurka KMG yahay iyo in kale, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka jawaabay su’aashaasi.
Jawaari ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya u yaalo uusan aheyn mid KMG ah, balse waxa KMG ah ay yihiin ansixintii ay ansixiyeen Ergadii Dastuurka, balse Dastuurka Soomaaliya uu yahay mid rasmi ah.
“Dastuurka ma’ahan mid KMG ah ee waxaa KMG ah ansixintii ay ansixiyeen Ergadii Dastuurka, dadka wax badan baa isaga qaldan Dastuurka dalka u yaalo waa mid nocaas ah”Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo shalay ka hadlaayay kulankii Baarlamaanka.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan fekerka ah in Dastuurka dalka Soomaaliya uu yahay mid KMG ah, balse hadalka Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya fekerka laga qabay in Dastuurka dalka uu yahay mid KMG ah, balse KMG ay tahay ansixintiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dastuurka Soomaaliya loo qaadaayo afti dadweyne, si dalka uu uyeesho Dastuur dadweynaha ay ucodeeyeen, balse sida muuqata Dastuurka Soomaaliya afti dadweyne looma qaadi karo, maadaama dalka dhan Dowladda aysan maamulin.
Sanadkii 2012 ayeey aheyd markii Xarunta School Polozio ee Magaalada Muqdisho lagu ansixiyay Dastuurka Soomaaliya oo qaab KMG ah loo ansixiyay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at