Madaxweynaha oo Prof. Jawaari u xil saaray ansixinta Golaha Wasiirada

Madaxweynaha oo Prof. Jawaari u xil saaray ansixinta Golaha Wasiirada

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u xil saaray inuu Baarlamaanka ka ansixiyo wasiirada cusub ee la magacaabay, isagoo ku tirtirsiiyay inuu kaalin weyn ka qaato sidii xildhibaanada kalsooni u siin lahaayeen golaha cusub ee wasiirada oo dhammaantood aan ka mid ahayn xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo ku sii jeeda Shirka madaxda midowga Afrika ee Addis ayaa xilkan culus ku tijaabinaya Guddoomiyaha baarlamaanka oo markan lagu sharfay inuu keensado dhammaan 4-ta wasiir ee beeshiisa uga midka ah wasiirada cusub. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka KMG ah K/Galbeed ayaa isna dhinaca kale ka soo jeeda oo ku hanjabay inaysan baarlamaanka mari doonin xukuumada cusub ee qeyb ahaanta la magacaabay.

Prof. Jawaari ayaa la ogeyn sida ay ugu suurageli doonyo in baarlamaanka ay kalsooni siiyaan wasiirada cusub iyadoo labadiisa ku xigeen ay ka horjeedaan xukuumada cusub, isla markaana aanu laf ahaantiisa lahayn xildhibaano badan oo taabacsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada