daajis.com:- Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu qiray in maxaabiista ugu badan ee ku xiran Magaalada Muqdisho, ay intoodu badan ka soo jeedeen beelaha la heyb sooco, sida uu yiri.
Xeer Ilaaliyaha, ayaa ku waramaaya in xad-gudubyo badan lagu haayo beelaha aan hubeysnayn, isla-markaana ay dadkaasi ku dhacaan dhibaatooyinka ugu badan, sida uu yiri.
Waxa uu intaa ku daray in runtu ay tahay, in boqolkiiba sideetan (80%) dadka ku xiran Xabsiyada Magaalada Muqdisho, ay ka soo jeedaan beelaha la heyb sooco.Xeer_ilaaliyaha_Guud_Qaranka
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku xiran yahay Xabsiyada Magaalada Muqdisho, ay lee yihiin xuquuq, uu siinaayo Dastuurka inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin, si xaaladoodu caafimaadeed aynaan khatar ugu imaan, mudada ay ku xiran yihiin xasbsiyada.
Xeer Ilaaliyaha, ayaa hadalkaan ka sheegay shir looga hadlaayay arrimaha xuquuqda aadanaha, oo Talaadadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at