Sawiro: Ganacsato Deked macmal ah ka dhiseyso deegaanka Faax

Sawiro: Ganacsato Deked macmal ah ka dhiseyso deegaanka Faax

daajis.com:-Shirkad ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed, oo lagu magacaabo (Bartamaha Soomaaliya),ayaa deegaanka Faax oo qiyaastii 50km dhinaca woqooyi ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ka ka bilaabay dhisme Dekadeed, iyadoo halkaasi la geeyay gaadiid culus iyo mid fududba.

Nabadoon Xaaji Xuseen Diiriye oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan in maalgalin waxtar leh lagu sameeyo deegaanka, isagoo sheegay inay kaalintooda ka qaadanayaan sidii uu mashruucan ku guulaysan lahaa.


C/llaahi Sh Axmed Cali maareeyaha mashruucan ayaa sheegay in hadda hawshu bilaabatay, islamarkaana ay halkan ka shaqo bilaabeen dad ka badan 150-Ruux, qaybo badan isugu jira, waxaana u u mahadceliyay maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dawlada Federalka Soomaaliya oo siiyay ogolaansho ay ku hawlgalaan.

Maxamuud Nuur Xasan Gudoomiayaha shirkadda ayaa sheegay in dhawaan ay filayaan doomaha ugu horeeya inay Faax ku soo xirtaan, isagoo xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay u furantahay inay saami ku yeeshaan maalgashiga Dekadan.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada