Shariif Xassan Oo lagu qabtay qorshe halis ah Uu watay !

Shariif Xassan Oo lagu qabtay qorshe halis ah Uu watay !

daajis.com:- Mudanayaal BF Somalia, ayaa ka cabanaaya Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan, kadib markii ay ku eedeeyen in Ra’isul wasaaraha dalka uu ku cadaadinaayo dib usoo laabashada qaar kamid ah Wasiiradii la diiday.

Mudane C/lahi Maxamed Aadan oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa sheegay in Shariif Xassan uu wado qorsho lagu soo celinaayo qaar kamid ah Wasiirada gaar ahaan Sambaloolshe, Guulleed iyo Xuseen Cabdi xalane.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Shariif Xassan uu Ujeedkiisu yahay inuu faragalin ku sameeyo Xukuumada cusub, taasi uu ula gol leeyahay helista Wasiiro ka amarqaata una hogaansan maslaxadiisa.
Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayuu uga digay inuu BF la hor imaado Wasiiro lagu soo xulay amarka Shariif Xassan, taasina ay caqabad labaad kala kulmi doonto Xukuumadiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada