Shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) oo Garoowe ka furmaya

Shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) oo Garoowe ka furmaya

daajis.com:-Magaalada caasimada ah ee Garoowe ayaa marti galin doonta shir weynaha Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016 ,kaaso lugu wadaa inuu halka ka furmo.

Qaban-qaabada shirka ayaa maalmihii ugu dambeysay ka socotay Garoowe,Waxaana ka qayb-galay wafduud kala gadisan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shirkan si rasmi ah u furi doonna, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya, wakiilo ka socda Maamul Goboleedyada iyo xubno ka tirsan beesha Caalamka.

Shirkan ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha hiigsiga cusub ee sanadka 2016 oo la rajeynayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, kaalinta Maamul goboleedyada ku leeyihiin barnaamijka New Deal iyo arrimo kale.


Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu diiradda saaro kaalinta Puntland ku leedahay Hiigsiga cusub, waxaana qodobada shirkaas ka soo baxa ay gundhig u noqon doonaan aragtida beesha caalamka ee ah in sanadka 2016 doorasho xor ah oo hal qof iyo hal cod ka dhacaan Soomaaliya.

Garoowe oo ka mid ah dhulka ugu xasiloon Soomaaliya ayaa la xoojiyay amniga si shirkii uu ugu dhammaado nabad,Waxaana lugu wadaa shirka inuu ka furmo xarunta hay’adda wada tashiga iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada