daajis.com:- - Safiirka South Africa ee dalka Kenya Koleka Anita Mqulwana, ayaa waxay dalka Somaliya kaga mahadcelisay sidii ay u garab joogsatay, berrigii uu midab kala soocii heystay dalkeeda.
Haweeneydaan, ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Nairobi ugu tagtay Danjiraha Somaliya ee Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo arrimo badan ay ka wada hadleen.
Labada dhinac, ayaa waxay isla jeex jeexeen sidii South Africa ay wax muuqdo kaga qaban laheyd, dhibaatooyinka soo noq noqday ee ganacsatada Somaliyeed loogu geysanaayo dalkaasi.
Koleka Anita Mqulwana, ayaa balanqaadeysa in South Africa ay dadaal badan ku bixin doonto, sidii dhiig joojin loogu samayn lahaa dhiigga shacbiga Somaliyeed ee lagu qubaayo dalkeeda.
Anita waxay Somaliya kaga mahadcelisay taageeradii ballaarneyd ee Dowladdii Dhexe Somaliya u sameysay South Africa, ka hor intii aynaan madax banaanida qaadan.
Dadka madowga ah ee reer South Africa, ayaa boob, dhac iyo dilba kula kaca ganacsatada Somaliyeed, ee ka hawlgala magaalooyinka wadankaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at