daajis.com:-Labadii ciyaar ee aadka loo wada sugayay ee Group D Koobka Qaramada Afrika ayaa xalay la ciyaaray, iyadoo afarta dal ee ku wada jira Group-kan ay isku wada dhibco ahaayeen, maadaama ay bar baro soo wada galeen labadii ciyaar ee u dambeysay.
Ciyaarta isha lagu hayay waxay aheyd tan dhex martay xulalka Cameroon iyo Ivory Coast, waxaana ciyaarta ay ku dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay xulka Ivory Coast, sidaasna ay ugu suura gashay inay ugu soo gudubto wareega xiga ee sideed dhamaadka.
Kulankan oo ahaa mid xiiso lahaa ayaa kooxda Cameroon waxay iska qasaarisay fursado dhowr ah oo goolal loo fishay, waxaana labo furadood oo qaalli ah ka beel-dareeyay ciyaaryahan Salli.
Max Gradel ayaa daqiiqadii 35aad ee qeybtii hore ciyaarta gool cajiib ah u dhaliyay xulkiisa Ivory Coast, kadib markii kubad uu ka laaday banaanka xerada ganaaxa uu shabaqa ku hubsaday, isagoo ka faa’ideystay diyaar la’aanta goolhayaha Cameroon.
Ivory Coast ayaa kaalinta koowaad waxay afar dhibic ay Group D ugu soo baxday, waxayna wareega sideeda ay isku aadeen xulka Algeria oo ay wada ciyaari doonaan maalinta Axada ee soo socoda.
Dhinaca kale Xulalka Guinea iyo Mali ayaa bar bar dhac 1-1 isla dhaafi waayay, waxayna natiijadaas noqotay mid aan labadaba ugu suura gelin inay ku soo baxaan, maadaama ay isku dhibco iyo isku gool yihiin.
Sidaas darteed labada xul ayaa maanta loo qori tuuri doonaa midkii kaalinta labaad ee Group D ka soo baxa, waxaana tani ay noqoneysaa markii u horeysay ee labo koox qori tuur lagu kala saaro tan iyo sanadkii 1988.
Labada xul Mali iyo Guinea kii uu nasiibka u saamaxo waxay ku aadi doonaan xulka Ghana oo horay wareega sideeda ugu soo gudbay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at