Ururka Daacish oo ku hanjabay in Obama ku dhex gowrici doonaan Aqalka Cad ee Mareykanka

Ururka Daacish oo ku hanjabay in Obama ku dhex gowrici doonaan Aqalka Cad ee Mareykanka

daajis.com:-Ururka Daacish ayaa ugu hanjabay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama inay ku gowrici doonaan aqalka Cad ee Mareykanka dhexdiisa, kadib fariin muuqaal ah oo ay sii daayeen 26-kii bishan.

Muuqaalkan Video-ga ayaa waxaa ka muuqday tiro dagaalyahanada Daacish oo taagan wadooyinka magaalada Mosil oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ciraa, iyagoo soo bandhigay hubka madaafiicda waa weyn oo ay dagaal uga soo qabsadeen Ciidamada Kurdish-ka ee Peshmerga loo yaqaano.

Sidoo kale waxaa ay ku fuliyeen dil mid ka mid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee ay dagaalka ku soo qabteen.

Dagaalyahan ka tirsan Daacish oo ku hadlayay Afka Carabiga ayaa fariin u diray Mareykanka, Faransiiska iyo Belgium oo uu sheegay inay ku soo socdaan.

“Hada Obama, waxaa kugu imaan doonaan Mareykanka, waxaan madaxaaga ku dhex gowrici doonaa Aqalka cad ee Mareykanka, Mareykankana waxaa u bedeli doonaa Gobol Muslimiinta degaan”ayuu yiri mid ka mid ah dagaalyahanadii ka soo muuqatay Video, waxaana turjuntay afka uu ku hadlayay ee Carabiga Machadka cilmi baarista iyo Warbaahinta Bariga Dhexe ee MEMRI.

Sidoo kale waxaa loogu hanjabay dalalka reer Galbeedka sida Faransiiska iyo Belgium in iyagoo wata baabuur ay ka buuxaan bambooyin iyo waxyaabaha qarxa ay goobahooda ugu tagi doonaan, ayna qudha ka wada jari doonaan.



Daacish ayaa maalmo ka hor isaga baxay magaalada la yiraahdo Kobane ee ku taal xadka Suuriya iyo Turkey, halkaasoo muddo afar bil ay dagaal adag kula jireen ciidamada Kurdiyiinta, iyadoo isbaheysiga uu hogaaminayay mareykanka ay duqeyn xaga cirka ku wadeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada