Ururka Xisbullah oo sheegtay mas’uuliyada weerar lagu dilay askar Israel

Ururka Xisbullah oo sheegtay mas’uuliyada weerar lagu dilay askar Israel

daajis.com:-Ururka Xisbullah oo fadhigiisu yahay dalka Lubnaan ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar lagu qaaday Kolonyo ciidamada Israel oo lala helay gantaalada lidka taangiyada, xilli ay marayeen agagaarka Xuduuda Lubnaan.

War ka soo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ugu aar-gudayeen duqeyn ay Israel todobaad ku hor ku dishay askar ka tirsanaa ciidankooda iyo Jeneraal u dhashay Iiraan gudaha dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay Milateriga Israel ayaa xaqiijiyay in labo ka mid ah ciidamadooda ay ku dhinteen weerarkaas, halka todobo kale ay ku dhaawacmeen, markii kolonyo ciidamadooda oo marayay buuraha Mount Dov lagu weeraray gantaalo.

Israel ayaa durba ka jawaabtay weerarkaas, waxaana duqeymo ay ku qaaday baro ay ku sugan yihiin Ciidamada Xisbullah.

Madaafiicda ka imaaneysay Israel ayaa ku dhacay meel ay saldhig ku lahaayeen Ciidamada Qaramada Midoobey ee ku sugan xuduuda Lubnaan, waxaana ku dhintay hal askari oo u dhashay dalka Spain.


Xiisada ka dhalatay weerarkii cirka ahaa ay Israel ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xisbullah todobaadkii hore ayaa ahaa mid aad u taagnaa, waxaana dhowr jeer labada dhinac ay isku dhacyo ku dhex mareen goobo ku dhow xuduuda Israel iyo Lubnaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada