daajis.com:-Hanti dhowraha guud ee qaranka Soomaaliyeed Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa markii ugu horeysay sheegay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa hantida madaxda dowlada Soomaaliya oo ay ku guuleysteen inay Account ka furtaan bangiga dhexe ee dowlada.
Hanti dhowraha ayaa sheegay in 90% ay ku guuleysteen in madaxdii xiisaabaadka “Account” gaarka ku lahaa bangiyada caadiga ay xereen ayna ku wareejiyeen bangiga dhexe ee dowlada Soomaaliya, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay.
Ujeedada falkaasi loo sameeyay ayuu ku sheegay inay ka doonayaan inay la socdaan dhaqdhaqaaqa miisaaniyadeed ee madaxda dowlada Soomaaliya, si loo yareeyo musuqmaasuqa inta badan lagu eedeeyo madaxda dowlada Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqyada madaxda iyo wasaarada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in hadda kadib ay la socon doonaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at