daajis.com:- I yadoo uu Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke magacaabay Gole Wasiiro, ayaa waxaa arrintaasi laga muujiyay dhaliilo kala duwan.
Wasiirada lamagacaabay, ayaa waxaa ka dhexmuuqday Shaqsiyaad horay loogu eedeeyay inay dalka ka galeen dambiyo u badan Musuqmaasuq hantiyadeed.
Qoraal ay horay u shaaciyeen Gudiga la socodka Xayiraadaha saaran Somalia iyo Eriteria, ayaa waxaa lagu eedeeyay qaar kamid ah Wasiiro hada kamid noqday Xukuumada Cusub waxaana kamid ah ragaasi
Wasiirka Arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadiliye Cumar oo soo noqday Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia, isaga oo iska Casilay xilka uu Bankiga ka hayay kadib markii Hay’adaasi ay eedeymo Musuq usoo jeedisay.
Waxaa sidoo kale, Wasiirada cusub ka dhexmuuqday shaqsiyaad ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga iyo Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda oo iyaguna gudiga xayiraadaha ay horay ugu soo oogeen in lacag Malaayiin Dollar ay ku Taageeren Ololihii Doorashada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud walow ilaa iyo iminka labadaani Mas’uul aysan ka hadlin Eedeymahaasi loo soo jeediyay.
Sidoo kale, Fahad Yaasiin Xaji Dahir ayaa waxa uu xubin firfircoon ka yahay Ururka Dam-Jadiid waxa uuna horay dhaqaale kala duwan uga soo qaaday dowladaha Qadar iyo Sacuudiga taasi oo lagu riday Xukuumadii Shirdoon iyo C/weli, inkastoo uu garab siyaasadeed xoogan ka heysto dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir oo uu matalaayo.
Dhanka kale, Waxaan weli arrintaani ka hadal Xildhibaanada BF Somalia gaar ahaan kuwa kasoo horjeeday Afartii Wasiir, waxa ayna hadda wadaan dib u eegis ay ku sameynayaan Shaqsiyaadka la magacaabay, si ay uga hadlaan go’aankooda ku aadan Xukuumada cusub ee uu soo dhisay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at