Xog Cusub:- Wasiirada cusub ee DF Somalia iyo sida loo kala keensaday

Xog Cusub:- Wasiirada cusub ee DF Somalia iyo sida loo kala keensaday

daajis.com:- Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa ka kooban 20 wasiir, oo gebigood ku yimid rabitaanka saddexda mas’uul ee ugu sarreeya dowladda Soomaaliya.

13 ka mid ah wasiirada waxaa keenay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, halka afarna uu la yimid guddoomiyaha baarlamanka Jawaari. Layaabse, ra’iisul wasaarihii soo magacaabay dhammaan 20-ka wasiir, waxaa loo ogolaaday kaliya in 3 uu ku yeesho.

Halkan hoose ka aqriso magacyada wasiirada iyo sida loo kala keensaday.

Magacyada Wasiirrada uu keenay Xasan Sheekh

1 – Axmed Xasan Gaboobe - Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta

2 – Cabdirixhman Maxamed Xuseen - Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

3 – Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini - Wasaaradda Gaashaandhigga

4 – Cabdisalaan Hadliye Cumar - Wasaaradda Arrimaha Dibadda

5- Fahad Yaasiin Xaji Dahir - Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

6- Cabdirixman Yusuf Cali Caynte - Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

7 – Nuur Faarax Xirsi - Wasaaradda Dastuurka

8 – Guuled Xuseen Qaasim - Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9 – Siciid Xuseen Ciid - Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

10 – Xasan Axmed Muudeey - Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

11 – Sahra Maxamed Cali Samatar - Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha

12 – Maxamed Mukhtaar Ibrahim - Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

13 – Cabdirisaaq Cumar Maxamed - Wasaaradda Batroolka, Biyaha iyo Kheyraadka Dabiiciga


Magacyada Wasiirada uu keensaday Jawaari

1 – Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” - Wasaaradda Maaliyadda

2 – Cali Xasan Cusmaan - Wasaaradda Beeraha

3 – Saalax Sheekh Cusmaan Muuse - Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska

4 – Xaawo Xasan Maxamed - Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiirada uu keensaday Cumar Cabdirashiid

1 – Maxamed Cumar Carte - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada iyo Sportiga

3 – Cali Axmed Jaamac “Jangali” - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

4 – Khadra Bashiir Cali - Wasaaradda Waxbarashada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada