daajis.com:- Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Arbacadii (Februray 4-teedii) la wareegay gacan ku haynta tuulo ku taala gobalka Hiiraan oo ay al-Shabaab haysatay, Idaacada Bar-Kulan ayaa sheegtay.
Ciidamada huwanta ayaan wax iska caabin ah aan kala kulmin dagaalyahaniinta al-Shabaab, markii ay galeen Aborrey, oo 30 kiiloomitir u jirta magaalada Buulo Burde, Cabdullahi Barre oo ah sarkaal milatari oo maxali ah ayaa sidaas sheegay.
Ciidamada ayaa hadda kaalmayanya baabuurta milatari ee cuntada gargaarka wada in ay gaadhaan meelihii loogu tala galay, ayuu sheegay Barre, isaga oo xusay in babauurtaas ay u xanibnaayeen go’doominta al-Shabaab saartay.
Ciidamada huwanta ayaa sii wadi doona dadaalladooda ay al-Shabaab uga saarayaan gobalka, ayuu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:58 and have
, Published at