Golaha amaanka oo warmurtiyeed kasoo saaray arimaha Soomaaliya

Golaha amaanka oo warmurtiyeed kasoo saaray arimaha Soomaaliya

daajis.com:- War murtiyeed xalay ka soo baxay Golaha Ammanka ee QM ayaa lagaga hadlay arrimaha Somalia. Arbacadii ayey ahayd markii Ergeyga Gaarka ee XGQM ee arrimaha Somalia N. Kay uu, isaga Muqdisho ku sugan, telephonka la iska arkana kaga qeyb galaya, shirka uga waramay horumarka xiliyadii dambe ay Somalia ka gaartay dhinacyada siyaasadda iyo amniga.

621381Council_SomaliaWarmurtiyeedkii xalay ayaa lagu sheegay in xubnaha Goluhu ay ka welwel qabaan xasilooni darrada dhinaca siyaasadda ee wali ka sii socota Somalia, taas oo, baa warmurtiyeedka lagu yiri, si xun u saameynaysa horumarka ay Somalia ka sameyn lahayd in nabad iyo xasilooni uu dalku gaaro, arrintaas oo horjoogsan karta hiigsiga sanadka 2016ka.

Golaha ayaa dawladda Somalia ku booriyey in marka xukuumadda la dhiso la dardar galiyo hawlaha dawladda.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagaga hadlay in la sii wado dadaalka lagaga adkaanayo ururka Alshabab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada