daajis.com:- Munaasabad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo lagu soo dhoweynayay Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa xalay ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, taasoo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’ iisul Wasaaraha.
Munaasabadan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo munaasabadan hadiyado lagu gudoonsiiyay Madaxda saddexda Maamul goboleed ee Muqdisho ku sugan.
Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Fanaaniinta Hobolada Qaranka ee Waabari, Kooxda Bar baarta gaashaaman iyo kooxo kala duwan oo soo bandhigay ciyaaro hidaha iyo dhaqanka sida dhaantada ayaa munaasabada ku soo bandhigay suugaano, shirib iyo ciyaaro.
Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo si wada jir ah goobta hadalo uga jeediyay ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan Soomaalida ay sharaf u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu Madaxda Maamul goboleedyada ugu yeero shir wada tashi ah oo looga hadlay aayaha dalka.Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Madaxda Maamul goboleedyada, isagoo xusay in Muqdisho ay tahay caasimadii dalka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirkan Madaxweynaha uu ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada uu yahay mid loogu gogol xaarayo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa sheegay shirka madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe ay noqdaan kuwa si dastuuri ah laga dhigo, isla markaana la joogteeyo shirarka nuucaasi oo kale ah.madax-qaran-3
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyntii khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowlad goboleedyada sida ay u ajiibeen u yeeritaanka uu u yeeray, waxaana uu intaa ku daray in shirarka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada la joogteyn doono.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya in looga baahan yahay muujinta Tixgelin iyo Wadaninimo,waxaana uu ugu baaqay in ay ka dheeraadaan wax walba oo keeni kara is-hortaag lagu sameeyo Wasiirada Cusub, isagoo ka codsaday baarlamaanka in ay ansixiyaan xukuumadda cusub.
madax-qaran-4 madax-qaran-5 madax-qaran-6 madax-qaran-7 madax-qaran-8 madax-qaran-9 madax-qaran-10
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:33 and have
, Published at