daajis.com:-Waxaa Maanta Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaana si diiran magaaladaasi ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin iyo dadweyne aad u badan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha la socday waxaa garoonka Diyaaradaha Cadaado uga hortagay Masuuliyiin uu horkacayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya , wax garad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado.
Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa si weyn u adkeeyay amaanka Magalaada Cadaado, waxaana magaaladaasi maanta daadsan ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira AMISOM iyo ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Xubnaha kale ee la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Ximin iyo Xeeb, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu la kulmo Masuuliyiinta Magaaladaasi ku sugan iyo qeybaha kala duwan bulshada.
Maalinta Berito ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah magaladaasi uga furo shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Dhaxe ee dalka oo marar badan dib u dhac ku yimid furitaankiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at