DAAWO SAWIRADA:- Wasaaradda Amniga oo ka hadashay weerarkii Dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare

DAAWO SAWIRADA:- Wasaaradda Amniga oo ka hadashay weerarkii Dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare

daajis.com:Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay weerarkii duhurnimadii maanta dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare oo ay ku howl galaan Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Batroolka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen lix ka tirsan dableydii ka tirsaneyd Shabaab, waxaana uu xusay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada kale ee dowladda ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

“Lix ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay, qof shacab ah iyo askariga baabuurka joojiyay ee ka tirsanaa Ciidanka NISA ayaa ku dhintay, markiiba nimankii hubeysnaa gudaha ayay soo galeen, barxada wasaarada ayaa lagu dagaalamay, inta aysan jaran jarada soo gaarin waa la toogtay”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo la hadlay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale iska hor imaadka gudaha wasaaradda ka dhacay uu ku dhintay askari boolis ah iyo askari AMISOM ah, isagoo intaa ku daray in la bad baadiyay dhamaan shaqaalihii ku jiray Wasaaradda oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in sida wax u rabeen iyo sida wax u dhaceen aanay is laheyn, waxaana uu ku ammaanay Ciidamada ku sugnaa gudaha Wasaaradda oo uu sheegay inay jilbaha dhulka u dhigteen, ayna jirtay feejignaan ay ciidamada ku jireen, taasoo uu xusay inay khasaaraha yareysay, isla markaana aanay shaqaalaha wasaaradda waxba ka soo gaarin weerarkaas, marka laga reebo labo ruux oo dhaawacyo yar soo gaaray.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ku sugnaa dhismaha markii weerarku dhacayay ayaa u sheegay VOA in dableydii hubeysneyd ay gudaha u soo gashay, isla markaana dabaqa labaad ee dhismaha oo ka kooban saddex ay la wareegtay, balse ay dib u caabiyeen Ciidamadii ku sugnaa dhismaha Wasaaradda.

Goob joogahan ayaa sheegay in aanay jirin wax dhimasho ah oo soo gaartay shaqaalaha wasaaradda markii uu weerarka dhacayay ay dhismaha ku sugnaayeen, qaarkoodna ay albaabada soo xirteen.

Meydadka dableydii hubeysneyd ee xarunta wasaaradda weerartay ayaa la soo dhigay barxada dhismaha, kuwaasoo ahaa afar ruux oo xirnaa dharka milateriga.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka deg dega Dr C/qaadir C/raxmaan Aadan ayaa u sheegay Idaacada VOA inay qaadeen meydadka ilaa 15 ruux iyo dhaawaca 20 kale oo shacab ahaa.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 15 ruux, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, iyadoo Al-Shabaab ay sheegatay Mas’uuliyada weerarka, waxaana uu qeyb ka noqonayaa weeraro horay Al-Shabaab uga geysatay Muqdisho oo xarumo iyo hotelo kala duwan lagu weeraray.









 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada