daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la leh dadka ka soo jeeda Gobollada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo kulamadan looga hadlayo arrimaha qabsoomida shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo maanta lagu wado inuu furmo.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa kulamada la yeelanaya odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, xildhibaano iyo Guddiga u xil saaran arrimaha maamul u sameynta shirka oo maalmihii u dambeeyay ku guda jiray howlahooda.
Madaxweynaha oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa kulan albaabada uu u xirnaa la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo aanay kulamadaas wali wax war ah laga heyn.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira hanaankii uu shirka ku furmi lahaa iyo mudada uu soconayo, waxaana la filayaa in la shaaciyo inta uu soconayo shirka iyo qaababka loo marayo habka maamul dhisida ee KMG ah, si uu ugu gudbo Maamul goboleed ka tirsan dowladda Federaalka.
Warar aanu ka heleyno Cadaado ayaa sheegaya in wali dood ay ka taagan tahay xulista ergooyinka, waxaana shaki la gelinayaa in shirka uu dib u dhac ku yimaado, marka loo eego kulamada socda oo ah kuwo loogu gogol xaarayo shirka.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ka qeyb qaadanaya Ciidamada AMISOM, Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Ciidamo ka baxay Muqdisho oo isugu jira Ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran oo sugaya amniga Madaxweynaha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:19 and have
, Published at