daajis.com:- Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay labo nin oo horay lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka oo sanadkii hore lagu dilay.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in labadan nin oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ahaa iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 jir ahaa ayaa labadaba qirtay inay ka dambeeyeen dilka.
“Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay shantii bishan afaraad u fariisatay dacwada eedeynayaasha kala ah Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta dilalka qorsheysan ku fulisa gawaarida yar yar, maxkamada markii ay aragtay qiraalkooda iyo cadeymaha, waxay ku xukuntay dil toogasho ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shuceyb uu ahaa ninkii ugu sareeyay kooxdan, isla markaana ay horay u abaabuleen weerarkii UNDP, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale ay ka dambeeyeen dilka labo sarkaal oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida Qaranka.
Labadan ruux ayaa dilalka lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen waxaa ka mid ahaa:-
1- Ex Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo la dilay 23 bishii July 20142- Ex Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo la dilay 3-dii bishii July 20143- Ex Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer 9 bishii Agosto 20144- Axmed odawaa Baalle oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka la dilay 14 bishii July 20145- Maxamed Axmed Qaanuuni oo ka tirsanaa Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo la dilay 12-kii bishii September 2014
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay Maxkamada la wareegtay qalabkii iyo baabuurkii ay lahaayeen raggan, isagoo xusay in waxyaabaha laga soo qabtay gurigii ay ka degenaayeen degmada Wadajir ay ka mid ahaayeen shan jaakado kuwa qaraxyada ku xiran.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:40 and have
, Published at