Weerarki Garrisa: Gabar uur 10 Bilood leh oo si layaab leh ku bad baaday..

Weerarki Garrisa: Gabar uur 10 Bilood leh oo si layaab leh ku bad baaday..

daajis.com:- Millicent Murugi, oo ah Gabar uur 10 Bilood leh, ayaa kamid ahayd ardaydii ka bad baaday xasuuqii Jaamacadda Garrisa ka dhacay Khamiistii lasoo dhaafay.

Kasookoow Qadarta Allah iyo waqtigeedoo wax ka dhinaayeen, ayaa Millicent Murugi waxay mudo 10 saacadood ah iska dhigeysay qof dhintay, kadib markii dhiig farabadan qariyay madaxeeda iyo jirkeeda.


Millicent Murugi, oo katimid Gobolka Embu Kenya, ayaa waxa ay dhiganeysan sanadkeedki 2aad ee Jaamacadda, waxaa jirkeeda qariyay dhiigi ka baxay saaxiibadeed, taasoo u sahashay ineey u ekaato qof rasaas ku dhacday.

“Waxaan is mariyay dhiigi kabaxay saaxiibadeey dabadeedna waxaan cadeeyay indhaha anigoo iska dhigaya qof dhintay, waxaa qolka kujiray mid kamid ah kooxihi nasoo weeraray”

“Mid kamid ah kuwi nasoo weeraray, ayaa ardaydii meydka ahaa waxaa uu ku lahaa ciidamadiina idinma ilaalin karaan waa fuleeyo, mana awoodan ineey idiin soo gurmadaan” ayay tiri Millicent Murugi.’

Millicent Murugi, ayaa sheegtay ineey Indhaheeda ku arkeeysay dhowr kamid ah ardayda Saaxiibadeed oo madaxa laga tooganyo

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada