Whatsapp Oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub Oo Loo Riyaaqay

Whatsapp Oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub Oo Loo Riyaaqay

daajis.com:- Barnaamijka whatsapp oo ay isticmaalayaaasheesu ka badan yihiin 500 milyan oo qof, maalinkastana laiskugu diro in ka badan 10 bilyan oo fariimood, 700 milyan oo sawiro ah, iyo in ka badan 100 milyan oo muuqaalo ah ayaa ugu bushaaraynayaan isticmaalayaasha systemka Androidka inay ku soo dareen adeeg cusub oo kuu ogolaanaya inaad lacag la’aan kula hadashid asxaabtaada. Whatsapp waxay tartan culus kula gali doonan adeegan cusub barnaamijyada ay ka mid yihiin Skype, Viber iyo Apple FaceTime.



Adeegan cusub ayaa dad tiro kooban loo sii daaye bishii hore ee February si loo tijaabiyo, March dhamaadkeedina bulshadoo idil loo sii daayey. Si aad u isticmaashid adeegan cusub waa inaad ku shubataa versionka u danbeeye ee barnaamijka whatsapp. Adeegan cusub ayaa noqday talaabadii ugu wayneed ay sharkadu qaado tan iyo intii ay Facebook kula wareegtay lacag dhan 19 bilyan oo  dollar.

Markaad barnaamijka aad furtid waa inaad boga hore ku aragtaa muuqaalkan:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada