daajis.com:- Dad badan ayaa jacaylka iyo danaynta uu waxyaabaha qaarkood u qabaa, ku kalifaan in ay ku kacaan, ficilo aan caadi ahayn oo dadk badankiisa aad uga yaabiya marka loo sheego waxyabaha uu qofkaasi sameeyay.
Taas oo ka dhigtaa in sheekadoodu ku biirto dhacdooyinka ugu layaabka badan dunida, sida qisada qormadeena maanta oo ku saabsan nin jacaylka xaaskiisu ku kaliftay in uu ku khasbo kun dhiiri galiyo sidii ay u buurnaan lahayd.
Nin u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Josh ayaa xaaskiisu ku khasbay kuna dhiiri galiyay, in ay is naaxiiso, ilaa heer ay xaaladeedu gaadhay in ay baruur darteed halis ugu jirto in ay dhimato.
Sida ay ku warantay haweenayda ninkaasi qabo oo lagu magacaabo, Betty Jo, da’deedana afar iyo labaatan jir lagu sheegay, waxa in ay si xoog ah u naaxdo ku dhiir galiyay, odaygeeda, kaas oo habeen iyo maalin ku dhiiri galin jiray in ay cunto badan qaadato.
Haweenaydan Ayaan ninkeeda oo caawiya mooyee awoodi Karin in xitaa mushqusha ay gasho, waxaanay imika la liidataa baruur xad dhaaf ah oo jidhkeeda gashay, taas oo uu u sabab ahaa ninkeeda Josh oo isagu hinaase iyo cabsi uu ka qabo in xaaskiisa lagu damco awgeed u naaxiyay, ugana dhigay mid dhul yaal ah.
Gabadhan ayaa sheegtay in marar kala duwan ay isku dayday in ay iska dhinto miisaanka badan ee xad dhaafka ah, kuna guulaysatay in miisaankeeda ay yarayso, hasa yeeshee taasi ay suura gal u noqon wayday in ay sii wado, waayo? Odaygeeda oo jecel in ay naaxdo, had iyo jeerna siiya cuntooyinka lagu buurnaado ayaa keentay in marba marka ka sii danbaysa uu miisaankeedu sii kordho.
Ninkan oo isaga laftiisu dhalinyaro ah waxbana aan ka waynayn xaaskiisa ayaa qirtay in uu isagu u sabab ahaa, naaxida xad dhaafka ah ee xaaskiisa, taas oo uu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay, jeclaysanayana inuu sii wado, laakiin gabadhiisa ayaa iyadu ka war war qabta in xaaladeedu meel halis ah gaadho oo baruurtan badani nafteeda galaafato.
Waxaanay telefishan waraystay u sheegtay in ay wakhtigan noqotay qof dhul yaal ah, oo aan fadhiga ka kici Karin, waxbana aan qabsan Karin ilaa odaygeeda oo la jooga oo caawiya mooyee.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at