Boosaaso: Al-shabaab oo weerartay Saldhiga Daraawiishta Yalho

Boosaaso: Al-shabaab oo weerartay Saldhiga Daraawiishta Yalho

daajis.com:- Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa caawa weerar gaadmo ah kusoo qaadey saldhig ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin tuulada Yalho oo qiyaastii 50km magaalada Bosaso koonfurta kaga beegan.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in dagaal xooggan ayaa dhex maray kooxaha weerarka soo qaadey iyo ciidamada, waxaana lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare soo kala gaarey labada dhinac. Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in weerarka uu ku dhintey ugu yaraan hal askari saddex kalena lagu dhaawacy.mAskarta dhaawaca ah waxaa loosoo qaadey dhanka magaalada Bosaso. Tiro askar ah oo qaarkood dhaawac qabaan ayaa la la’yahay ilaa iyo hadda meel ay jaan iyo cirib dhigeen, kaddib markii ay weerarka kaddib dhinaca qarka u firxadeen.

Kooxaha weerarka soo qaadey ayaa gubey labo gaari oo nooca dagaalka ah oo ay ciidamdu lahaayeen, waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen guri iyo berked ka dhisnaa goobta fariisinka u ah ciidamada. Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Yalho ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay u suurto gashay in muddo kooban ay deegaankaas gacanta ku dhigaan, balse markii dambe ay isaga baxeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada