daajis.com:- Ciidamo katirsan maamulka Somaliland ayaa maanta Weerar ku qaaday deegaankaTukaraq oo katirsan gobolka Sool xili halkaas ay ku sugnaayeen wafti ka tirsan maamulka Khaatumo, Waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada khaatumo iyo kuwa Somaliland kaasi oo dhaliyey khasaare kala duwan.
Ciidamadan ayaa soo maray Kaantaroolka Galbeed ee magaalada oo ay joogaan ciidamo katirsan maamulka Puntland kuwaasoo birta ka qaaday, Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in ciidamada Somaliland ay Tukaraq kula shireen Xubno Puntland ah.
Wasiir kuxigeenka Amniga maamulka Khaatumo Faysal Maxamed Xasan (Falaalug) oo goor dhoweyd la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee maanta soo galay magaalada Tukaraq ay ku yimaadeen dalab uga yimi maamulka Puntland oo uu sheegay inuu ka dhexeeyo heshiis siyaasi ah oo ka dhan ah maamulka Khaatumo.
HALKAN KA DHEGAYSO WASIIRKA OO KA HADLAY SIDII AY WAX U DHACEENFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at