Daawo:- Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay shir amaanka looga hadlayay

Daawo:- Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay shir amaanka looga hadlayay

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab} ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar, waxaana goobjoog ka ahaa kuxigeenada guddoomiyeyaasha, taliyaha qeybta Boliiska ee magaaladda Muqdisho iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan maamulka.

Saraakiish ciidanka Booliska iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa warbaxino looga dhagaystay kulanka kuwaas oo ku saabsan Amaanka Caasimdda dalka ee Muqdisho iyo howlaha adeegyada bulshada ee degmooyinka.muungaab-shir-degmooyin-1Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ah guddoomiayha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa amaanay saraakiish Booliska Soomaaliyeed sida ay xil isaga saareen xaqiijinta ammaanka Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaaax Cumar Xalane oo kulanka kadib la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saaray adkeynta ammaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.muungaab-shir-degmooyin-2 Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay soo celinta bilicda magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed eek u nool gobolka Banaadir in ay qeyb ka qaataan dhowrista magaalada Muqdisho.

Kulamada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha laamaha ammaanka ayaa diiradda lagu saaraa hadba xaaladaha Muqdisho waxa ku soo kordha.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada