DAAWO:_ ISIS oo si Xin u Laysay Boqolaal Qoomiyada Yaziidiyiinta

DAAWO:_ ISIS oo si Xin u Laysay Boqolaal Qoomiyada Yaziidiyiinta

daajis.com:- Saraakiisha Ciraaq waxay sheegeen in mintidiinta Khilaafada Islaamiga Daacish ay dileen boqolaal qof oo ay ka soo qabteen qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Yaziidiyiinta, ee waqooyiga waddanka.

Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq, Cusaama al-Nujiifi ayaa cambaareeyey dilka oo uu ku tilmaamay mid naxdin leh oo waxashnimo ah.

Ilo wareedyo laga helayo Yaziidiyiinta waxay sheegayaan in ilaa 300 oo qof lagu dilay degmo galbeedka kaga beegan magaalada Mosul Jimcihii.

Iyadoo xoogagga Khilaafada Islaamiga ay cagta mariyeen waqooyiga Ciraaq muddo laga joogo ku dhawaad sannad ka hor, ayey dileen oo ganactana ku dhigeen dadka Yaziidiyiinta,waxaa lagu eedeeyay Daacish in dumar badan ku khasbeen addoonsi dhanka galmada ah.

Mintidiinta Daacish ayaa u haysta in Yaziidiyiintu yihiin dad Alle ka furtay, waxa ayna baneesteen dilka dadkaasi.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada