daajis.com:- Sharaf ayey ii tahay maanta inaan noqdo xoghayihii uga horeeyey Mareykanka oo booqasha ku yimaada Soomaaliya, waxan la kulmay hogaamiyeyaasha dawladiina iyo wakiilo ka socday urarada bulshada rayidka, waxan sidoo kale doonaya inaad qaato fursada ah inaan shacabka Soomaaliyeed.
Labaatan sanno ka hor, dawlada mareykanka waxaa lagu qasbay in ay ka baxaan dalkina, haddee waan soo laabaneynaa anagoo la shaqeynayna beesha caalamka, waxaana jirta rajo weyn anagoo walaaca jira aan idinla wadaagno.
Waxan idin sheegayaa wixii ay diplomasiyiinta ay ii sheegayaan oo ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay hore u socoto soona ceshato haykalkeeda dawladnimo iyadoo hiigsanaysa mustaqbal ifiya, meeshana ka saareyso agagixisada iyo maleshiyooyinka.
Waxaa la idin yiraahdaa dadka baahan, dad dagaal oo siyaabo badan isu dila, dagaal ku saleysan diin, cunto iyo dhibaato qoysaskiina dhexdooda ah.
Shalay Kenya, waxaan xerada qaxootiga Dhadhab kula hadlay qaxootiga Soomaalida oo dalkooda uga qaxay ineysan wax difaaca, cabsi iyo dhibaatooyin kale, waxaan la kulmay Soomaali da’dooda u dhaxeysa 15, 18 iyo 20 sano jir ah kuwaas oo ebed ka bixin xerada qaxootiga.
Waxaan maanta soo booqday waddankiina waayo waddankiina waxa uu sameynaya isbedel, 3 sanno ka hor markii la meelmariyey dastuurka, Barlamankana la dhaariyey iyadoo taageero laga helayo Amisom, Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya waxa ay ka saareen Shabab magaaloyinka ay dadka badani degan yihiin.
Dadaalka beesha caalamkana waxaa sidoo kale xal loo helay falalka burcad badeednimada ee Soomaaliya.
Amaantasi waxaa leh Shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay nolol cusub baa ku soo noqotay waddooyinka Muqdisho, Kismayo, Baydhaba iyo Garowe iyo meele kale, waxaa furmay ganacsi cusub oo ay qayb weyn ku leeyihiin qurba joogta Soomaalida ee ku soo noqonaya oo maal geshi dhaqaale ku sameynaya dalkooda, waxayna ka qayb qaadanayaa dib u dhiska dalka.
Dabcan waxaa muuqda in dalka noqonaya mid nabdoon oo barwaaqo ah, waxa aan maanta la sheekaystay hogaamiyeyaashiina waxana kala hadlay talaabada xigta ee ay tahay in loo qaado 2016-ka iyo in la mideeyo hurumarinta Soomaaliya.
Dawlada Federal-ka waxa ay shaqeeynaysaa dhismaha maamul gobaleedyo cusub si loo xoojiya xasiloonida loona gaarsiyo barwaaqo meel walba oo dalka kamida, taasi waxaa ku jira sida mas’uuliyadaha loo wadaagaya heer qaran, heer gobal illaa heer degmo waxana rajeynayaa in horumar wanaagsan la gaaro sida uga dhakhsiyaha badan.
In ciidanka gobalka lagu soo biiriyo kuwa dawlada Federalka si ay u noqdaan ciidan xoogan oo kuwa qalabka sida Soomaaliya ah.
Dawlada waxa ay sidoo kale ka shaqeynaysaa oo meel geba-gebo u maraya dastuurka iyo ay qabato doorasho dimoqradi ah sannadka 2016-ka.
Dhamaantiin waa inaad ku yeelataan cod hanaankan, hogaamiyeyaashiina waa ay xaqijiyeen in ay ka go’antahay hurumarinta arrimahan iyo dhamaan dhaba loo marayaba, waa guul.
Dunida kama fogaan karto dal qariidada ku jira oo aan haddan maamul ka jirin, xaqiiqda waxa ay tahay in soomaaliya ay leeyahay dawlada wax ku ool ah waan fursad taariikhi ah.
Dawlada Mareykanka doorkeeda ayey qaadaneysaa waxa ay dhisaneysaa dhismaha hawlaheeda diplomasi (Safaarad) weli wakhti go’an uma sameyn dhismaha safaarada, waxan kor u qaadayna joogitaanka diplomasiyiintena halkan, waxaana soo magacawnay safaarkeenii uga horeeyey tan iyo intii aan albaabada isugu dhufanay bishii Janayo sannadkii 1991.
Soomaaliya iyo Mareykanka meel wanaagsan buu xiriirkooda marayaa waxaana rajeynayaa in aan arko dalkan oo mid ah,isuna keena gobolada soo ceshta qaxootiga dibbada ka jooga, dunida meel fiican ka istaago
Dawlada mareykanka waxa ay u diyaar garowday walbo oo ay ku caawin karto Soomaaliya, amaan, barwaaqo iyo nabbadba waa ay istaahilaan.
Mahadsanidiin
Tarjumay: Maxamed Cusmaan “Black Cobra”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at