Daawo Somali American gacan weyn ka geystay weerarki Texas

Daawo Somali American gacan weyn ka geystay weerarki Texas

daajis.com:- Laamaha danbi baarista Mareeykanka, ayaa sheegay in wiil Somali-American ah uu gacan weyn ka geystay weerarkii shalay ka dhacay magaalada TEXAS ee dalka Mareeykanka.

Labo nin oo Katirsan ururka ISIS, ayaa shalay weerar goob bandhig ahayd oo ay ku kulmayeen dadka sameeya sawirada Gacanta “Cartoons”, waxaana labadan nin oo hubeysnaa toogtay Booliska TEXAS.

mujahid-miski

Wiilkan Soomaaliyeed ee ay laamaha danbi baarista Mareeykanka sheegeen, inuu gacan ka geystay weerarkaas, ayaa waxaa lagu magacaabaa Mujaahid Miski, waxaana uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayo weerarkaas kahor inta uusan dhicin.


Mujaahid Miski magaciisa dhabta ah waa Muhammed Abdullahi Hassan, waxaana uu magaalada Minneapolis ka tagay sanadkii 2008 si uu gu biiro kooxda al-shabaab ee Somalia ka dagaalanto.

Halkan ka daawo warka la xiriira arintaas:

http://minnesota.cbslocal.com/2015/05/04/former-minnesota-man-played-key-role-in-inciting-texas-terror-attack/

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada