daajis.com:-Ciidamada ku labisan dharka cad ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay labo qof oo hubeysnaa kuwaas oo la sheegay inay doonayeen in ay weerar ku qaadaan meel lagu soo bandhigayay farshaxan ka dhan ah Nabi Maxamed (NNKH).
Falkan ayaa wuxuu ka uu ka dhacay magaalada Dallas ee Xarunta gobolka Texas fiidnimadii axadda, waxaana sidoo kale ku dhaawacay waardiye.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in labada dabley ay doonayeen in weerar geystaan xilliga lasoo gaba-gabeynayay tartanka farshaxanka.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay baarayaan gaariga ay wateen dableyda hubeysan oo loo maleynayo in ay ku jiraan walxa qarxa.
Dadkii ka qaybgalay bandhiga ayaa si deg deg ah goobta looga daad gureeyay, waxaana la’isugu geeyay Goob kale oo la sheegay in amnigeeda la sugay.
NAAGTII SOO ABAA BUSHAY TARTANKA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at