daajis.com:-Waxaan aad isugu dhabar jabiyay inaan wax ka ogaado dabaysha fedreaalka dhankay u dhacayso, marka laga hadlayo arimaha gobolka Somalida. Dad badan ayaan wax ka weydiiyay oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, mucaarad, qaar ah masuuliin heer dhexe iwm. Waxaa kaloon aad u dhag-dhagaynayay maalmahan doodaha ka socda maqaayadaha lagu qaxweynayo iyo mafrashyada lagu kala jaado. Waxaa iisoo baxday arima la yaab leh oo qaarkood aan isleeyahay lama gaadhin waqtigii la qori lahaa.
Hadaan soo koobo, arimaha ka dhacayay kililka Somalida 5tii sanee ugu dambaysay waxaa masuul ka ah dawladda Itobiya, gaar ahaan ciidamada jooga dalka ee jenenka haysta Herer uu madaxda ka yahay. Sidaa waxaa isku raacey dadka aan soo wareystay iyagoo ku daray in Cabdi iley iyo reerka uu adeegsaday ay caqli xumo iyo hunguri un u gaysay inay dadka u laayaan siday Itobiya doonaysay iyo ka badbadinba, waxaana hadda u cadaatay qaar badan oon iyagaa kala sheekaystay inay murugo iyo uurkutaalo ku reebtay ficilada ay gaysteen iyo sida loo adeegsaday.
Itobiya waxay ugu talagashay 5an sano ka dib in aan la maqlin wax la yidhaahdo ONLF oo dalka Ogadenya iyo dawladaha dariska ahba dhex jooga. Inay kusoo koobmaan dibadaha iyo jaaliyadaha dhexdooda, iyagoo ugu dambaynta iska baabi’ doona. Qorshihii noocaa ahaa markii la qiimeeyay waxaa la ogaaday inuu fashilmay, dambiyo badan oo taariikhi ahna laga galay shacabka Ogadenya ay adkaan doonto inay xusuutooda ka tiranto.

Itobiya waxay hadda go’aansatay inay albaabkaa soo oodo, hasa ahaatee waxaa la fogaatay oy garan la’dahay habkii looga gudbi lahaa qorshaha jeneraal Abraha iyo Cabdi iley ay ku shirkoobeen, oo hadda lawada ogaaday inay tahay dhiiga shacabka masaakiinta ah ee Somalida Ogadenya inay ka mushtareen iyagoo usii maraya waxaan la dagaalamaynaa ubo.
Wararka kama dambaysta ah ee la’is dhaafsanayo ayaa leh, Cabdi iley waxaa loo qoondeeyay inuu soo galo baarlamaanka federaalka oo aanu dib dambe ugu noqonin Ogadenya, oo inta noloshiisa ka hadhay uu halkan iyo isbitaalada ku qaato isagoo la hubo inuu qaaday xanuun aad loo qarinayo hasa ahaatee dadka qaarkii ay ku odhanayaan waa xanuun aan yareyn oo jidhka iyo nafsiyan uu qaaday.
Hadaan soo ururiyo, dambiyada ka dhacay Ogadenya waa mid aan ka qarsoonayn shacabka meel ay joogaanba, waxaa lagu kala tagsan yahay un, dagaalka ayaa sabab u ah iyo mayee waa xasuuq loo gaystay dad shacab ah oo si aargoosi ah loola dhaqmay.
Noor Afgaab/Adisababa & Jigjiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at