daajis.com:- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug,C/qaadir Shire Faarax (Ereg) oo u bishii hore ee April magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.
Guddoomiyaha ayaa lugu soo dhaweeyay duleedka magaalada Gaalkacyo oo ay uga hortageen mas’uuliyin ka tirsan maamullada degmooyinka gobolka iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda.
Ereg ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo waxuuna ka mahadceliyay sida wanagsan ee lugu soo dhaweeyay magaalada xarunta u ah gobolka Mudug.
Guddoomiyaha ayaa si kooban u sheegay halka uu shaqadiisa ka billaabayo markuu xilkan si rasmi ah ula wareego,waxuuna sheegay Gaalkacyo iyo gobolka Mudugba in looga bahan-yahay horumar iyo amni.
Cid walba oo ka soo horjeesata halka uu gobolkan u socdo waxuu sheegay in looga bahan-yahay dadka Mudug inay hal meel uga soo wada jeestan oo laga hortago.
C/qaadir Shire Faarax waxuu u sheegay dadka dariska la eh gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo in looga bahan-yahay nabad-galyo in lugu wadda noolado.
“Gobolka Mudug waxuu u baahan-yahay horumar iyo nabad-galyo,dadka dariska ah waxaan waydisaneyna inay nolugu nooladan nabad-galyo,cidii an nabad-galyo ku noolan waxii an ka helno ayaan ku celinayna,dadka Mudugna nabad-galyada iyo horumarka ay u bahan-yihiin cidii diidan hal meel ha looga soo jeesto,”ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug.
Waxaa lugu wadaa maalinta berri ah inuu xilka la wareego guddoomiyaha cusub oo badalaya guddoomiyihii hore Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) oo muddo shaqeynayay.
Hoos ka daawo guddoomiye C/qaadir Shire
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at