daajis.com:- Nin da’ yar oo cimrigiisu labaatanaadka yahay ayaa isagoo gaadhi wata waxaa gaadhigiisii yaraa hoos galay gaadhi wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, ka dibna waxaa ku soo ururay dadkii dariiqa marayey iyo ciidamada wax badbaadiya iyo kuwa wadooyinka ilaaliya nadaamkooda.
Markii ay is kortaageen waxay ogaadeen inankii gaadhiga yar watay in madixiisa iyo jidhkiisa kale kala go’een. Dabeed nin sarkaal ahaa ayaa jeebkiisii baadhay oo ka soo saaray waraaqihiisii aqoonsiga , wuxuuna wacay xaafadii inanka dhintay waxaa telefoonkii ka qabatay qof dumara dabeed wuxuu waydiiyey ninka la yidhaaho hebel ma taqaanaa ? markaasay tidhi haa ee maxaa dhacay? Wuxuu yidhi Sarkaalkii inankaasi wuu dhintay shil baabuur ayuu ku dhintay waxay tidhi islaantii Illaahay ha cadaabo oo ha haligo.
Sarkaalkii ayaa waydiiyey maxaad u tahay? Waxay tidhi hooyadii ayaan ahay wuxuu iga tegay intuu isii garaacay isagoo weliba isii caayaya Illaahay ha haligo waan ku khasaaroobay dhalashadiisii iyo korintiisii. Illaahay ha haligo oo ha iiga raaxeeyo. Wuu I dhibay oo I dhibay.
Subxaan Allaah waa abaal marka qofka waalidkii caasiya, ninkaasi waxa kala gooyay waa habaarkii waalidka ahaa oo si deg deg ah ugu soo baxay.
Hadaba kobciye.com waxey ku leedahay ka digtoonoow hooyadaa inaad gacan u qaado iska daayee inaad ku tiraahdo hadal xun alle wuu awoodaa habaarka waalidka inuu aduunka kugu soo dadajiyo sida hooyadaasba habaarkeeda usoo degdegay waayo ayadoo tabar aay iskaga celiso laheyn ayuu maalin walbo markuu soo baxayo dili jiray intuu dulqaadkii dhamaaday ayey ducadiina habaar isku badashay..!!!
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 08:00 and have
, Published at