Madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku sugan garoonka diyaaradaha

Madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku sugan garoonka diyaaradaha

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Maamul goboleedyada ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo la filayo in goor dhow ay kula kulmaan Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadada aada garoonka diyaaradaha, wadada hor marta Madaxtooyada iyo Maka Al-Mukarama ayaa ah kuwo gebi ahaanba xiran, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka.

Socdaalka John Kerry ku imaanayo maanta magaalada Muqdisho ayaa ah mid gaaban, iyadoo saacadaha uu joogi doono la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland, Jubba, Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga arrinsanayo hiigsiga sanadka 2016 oo beesha Caalamka ay dooneyso in Soomaaliya ka dhacdo doorasho, hirgelinta barnaamijka federaalka, dhismaha dowlad goboleedyada, amniga iyo arrimo kale.


Dhinaca kale waxaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo saaka ka soo kicitimay magaalada Nairobi, iyadoo uu baajiyay safar uu ku tagi lahaa Talyaaniga, waxaana warar qaar sheegayaan inuu doonayay inuu Nairobi kula kulmo, balse lagu wargeliyay inuu Muqdisho tago.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada