daajis.com:- Taliyaha hey’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliyeed Janaraal C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa saxaafadda ku amray in alshabaab hadda kadib loogu yeeri doono UGUS oo laga soo gaabiyay ururka gumaadka umadda Soomaaliyeed.
Jen. Tuur Yare ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabadda maalinta Xoriyadda warbaahinta Caalamka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
“Waxaa rabaa inaan halkan maanta uga codsado Warbaahinta, anaga magaca Al-Shabaab waa la bedelay, waxaa ku bedelnay magaca UGUS, ayagana isku bixiyay runtii, magaca Al-Shabaab waa magac fiican waa dhalinyaro, ma ahan inaan u ogolaano magacaas inay xumeeyaan”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay habooneyn inay ka maqlaan magaca Shabaab idaacadaha kale, isagoo uga mahad celiyay Warbaahinta dowladdu maamusho sida ay magacaas u hirgeliyeen sida uu yiri.
“Cadawga aan la dagaalameyno waa UGUS, waxaa laga soo gaabiyay ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed, warbaahinta dowladda maamusho waa dhaqan gelisay, kuwa kale ee aan ku soo biirin inay ku soo biiraan oo ay UGUS ugu yeeraan waayo, ma ahan inaan idaacadaha kale ka maqalno magaca Al-Shabaab”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at