Video: Ciidamada wejiyada duuban oo howlgal ka sameeyay Muqdisho

Video: Ciidamada wejiyada duuban oo howlgal ka sameeyay Muqdisho

daajis.com:- Ciidamada wejiyada duuban ee NISA iyo oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgal guri guri ah ka fuliyay Seddax degmo oo lagu tuhmayay xubno ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna howlgalkan kaga duwanaa kuwa caadiga ah iyadoo la fuliyay xalay saq dhexe xiliga Muqdisho markay aheyd 2:oo.

Howlgalkan ayaa lagu soo qabqabtay dad gaarayay ilaa 400 qof, waxaana baaris lagu sameeyay kadib laga reebay Lix qof oo lagu tuhmayay inay ka tirsan yihiin Shabaab.nisa-sirdoon

Ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa beegsaday Degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley, iyadoo goobaha la baaray ay ka mid ahaayeen kaamam ay degan yihiin dad barakacayaal ah, waxaana laga soo qabtay dareeska ciidamada dowladda.



Ciidamada Dowladda ayaa maalmahan xoojiyay howlgalada ay ka fulinayaan degmooyinka G/banaadir, iyadoo sidoo kale wadooyinka Muqdisho la dhigay ciidamo la socda dhaqdhaqaaqa gaadiidka wadooyinka isticmaala.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada