daajis.com:- Waxaa maanta lagu soo bandhigay Banaanka hore ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana la doonayay in isaga lagu qaarijiyo.
Goobta gaarigan lagu soo bandhigay ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakill kale.
Ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran ee fashilinta iyo ka hortaga walxaha qarxa ayaa ku guuleystay in ay qaraxa gaariga ka furaan, isagoo aan haba yaraatee waxyeelo geysan, iyagoo adeegsanaya qalab casri ah.
Intaasi ka dib ayaa waxaa goobta warbaahinta Qaranka loogu soo bandhigay gaarigii oo bad qaba iyo qaraxii oo laga furay iyo sidoo kale Telefoonka gacanta oo la doonayay in lagu qarxiyo.
Abaandulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdirsiaaq Khaliif Cilmi oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay goobta gaarigan lagu soo bandigay ayaa tilmaamay in ciidanka ay ku guuleysteen in gaariga ay ka furaan walxaha qarxa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:35 and have
, Published at