VIDEO:- John Kerry oo Ku Wargaliyay Dowladda Kenya inaysan Qasab Ku Celin Qaxootiga Soomaalida

VIDEO:- John Kerry oo Ku Wargaliyay Dowladda Kenya inaysan Qasab Ku Celin Qaxootiga Soomaalida

daajis.com:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka John Kerry oo booqasho rasmi ah ku joogga Magaalada Nairobi, ayaa sheegay inaan la qasbi doonin dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xoghayaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa cadeeyay inaan xeryaha la xiri doonin, ilaa iyo inta ay si nabdoon ay dalkoodu kaga laabanayan dadka qaxootiga ihi, ee ku dhaqan xeryahaasi.


Xoghayaha, ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inaan la Qasbin dadka qaxootiga, lana sugayo ilaa iyo inta ay si iskooda ah ugu laabanayaan deegaanadii ay ka kala yimaadeen.

John Kerry waxa uu sheegay inuu la hadlay qaar ka mid ah dadka qaxootiga, isla-markaana ay u sheegeen culeyska kaga imaan kara, haddii si khasab ah dalkoodu loogu celiyo.

John Kerry ayaa waxa uu Dowladda Kenya ku ammaanay soo dhaweenta ballaaran ay u fidiyeen qaxootiga Somaliyeed, sidoo kalana ay Kenya sameysay dulqaad hufan, taasina uu ku ammaanayo, sida uu yiri.

Dhanka kale wuxuu soo hadalqaaday weerarkii ardayda badan lagu laayay, ee 2-dii bishii April lagu qaaday Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa, isagoona tacsi u diray qoysaska ardaydii lagu laayay weerarkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada