Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka oo Maanta soo Gaaraya Magaalada Nairobi

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka oo Maanta soo Gaaraya Magaalada Nairobi

daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka mr. John Kerry ayaa lagu wadaa in uu maanta soo gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booqashadiisa ayaa la filaaya in ay qaadan doonto mudo saddex maalmood ah, waxaana uu masuuliyinta sar sare ee dalka Kenya kala hadli doonaa Iskaashiga dhinaca amaanka iyo kaalinta Ciidanka Kenya ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale John Kerry ayaa kulan la qaadan doona Xisbiyada Mucaaradka ee Kenya, iyadoo Dowladda Uhuru Kenyatta lagu eedeeyay in ay tacadiyo ka dhan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka iyo kuwa warbaahinta madaxa banaan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa bisha Juulaay ee inagu soo aadan ku soo wajahan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada