daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay dhistaan Xarunta Golaha shacabka oo ka mid aheyd xarumihii ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha dibada ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay iska jaraan mushaarkooda oo ay dhistaan xaruntan oo ah muraayadii dalka.
“Waxaa ugu baaqaya Xildhibaanada inay isku tashtaan oo ay dhistaan xarunta Golaha shacabka oo ah muraayadii dalka, si gaar ah waxaan u ogeysiinayaa inay iska jaraan mushaarkooda”ayuu yiri Prof. Dhalxa oo xusay inay nasiib darro tahay in xarun sidaas u bur bursan, qeybna ka dhisan qeybna ka bur bursan in lagu shaqeeyo.
Prof. Dhalxa ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada is xilqaamaan la dhiso karo xarunta, oo aan gacan kale laga sugin kaalmo, isagoo xusay in dal walba uu dadkiisa dhisto.
Xarunta Golaha shacabka ayaa dhowr jeer oo hore dayactir lagu sameeyay, balse ma helin dayactir guud oo dib bilicdeeda loogu soo celiyay, waxaana xaruntan sanadihii 70-meeyadii lagu qabtay shirkii Madaxweynayaasha Midowga Afrika.
Dowladda Turkiga ayaa horay u balan qaaday inay dhisi doonto Xaruntii Baarlamaanka oo ku taala agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo xaruntan ay ku bur burtay dagaaladii, isla markaana aas aaskeeda uu ka dhagax taagan oo kaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at