Xog: Fadeexaddii Cabdi Weli Gaas ee Nairobi iyo socdaalkiisii magaalada MUQDISHO ee maanta

Xog: Fadeexaddii Cabdi Weli Gaas ee Nairobi iyo socdaalkiisii magaalada MUQDISHO ee maanta


daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku qasbanaaday inuu Muqdisho u tago si uu ula kulmo wasiirka arrimaha dibadda Mareykankana John Kerry oo Muqdisho booqday kadib markii uu ku fashilmay dadaal uu u galay inuu Kerry kula kulmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/weli Gaas oo hore saxaafadda ugu sheegay inuu socdaal ku tegayo dalka Talyaaniga ayaa ku hakaday magaalada Nairobi oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed isagoo ka codsaday inuu Nairobi kula kulmo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, oo uu warbaahinta ka maqlay inuu soo gaaray geeska Afrika.

Codsiga Gaas ayaa waxaa ka horyimid safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo sheegtay inuusan jadwalka Kerry ee Nairobi ka mid ahayn la kulanka hogaamiyeyaal ka socda Soomaaliya.

Arrintaas ayaa C/weli Gaas ku qasabtay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto, welibana tago Muqdisho si aysan u seegin la kulanka John Kerry, lamana oga in safarkiisii Talyaaniga uu dib ka tegi doono iyo inuu sidaasi ku dhammaaday.

“Haddii Cabdi Weli Gaas uu ogaa imaanshaha Kerry ee Muqdisho, uma baxeyn safar Talyaaniga ah, waxaa halkaas ka cad inuu xilli dambe maqlay una soo orday Muqdisho” ayuu Prof. Axmed Jimcaale oo ah aqoonyahan Muqdisho ku sugan.

Cabdi Weli Gaas iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa markii uu Kerry dhameystay la kulankiisii madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare CCC, kula kulmeen, kadib markii uu sidaas ka codsaday madaxweyne Xasan Sheekh.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada