daajis.com:- Lixda dowladood ee quwadaha adduunka ayaa heshiis la gaaray dowladda Iiraan, kaasoo ah mid lagu hakinayo barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, kadib wada hadalo soo socday muddo bilooyin ah.
Wada hadalo ka socday magaalada Vienna ee dalka Austria oo ay lahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Wasiirada Arrimaha Dibada lixda quwadood ee adduunka oo kala ah Mareykanka, UK, France, China, Ruushka iyo Jarmalka ayaa lagaga dhawaaqay in heshiis laga gaaray Nuclear-ka Iiraan.
Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa sheegay in Heshiiskan uu bog cusub u furayo dowladda Iiraan, isla markaana meesha ka saaraya cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee muddo saarneyd.
Heshiiskan ayaa joojinaya barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan waxaana dusha kala soconaya hirgelintiisa Hey’adda Qaramada Midoobay ee Nukliyeerka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muujinaya in diblomaasiyadda Mareykanku ay keeni karto isbedel dhab ah oo macno ku fadhiya.
“Heshiis buuxa oo mudada fog ah oo lala galo Iran waxa uu ka hor joogsanayaa inay sameysato hubka Nukliyeerka”ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.
Laakiin Caqabada ugu weyn ee heysata heshiiskan ayaa ah Congresska Mareykanka oo ay maamulaan xubnaha Xisbiga Jamhuuriga oo laga filayo inay ka soo horjeestaan kadib marka ay dib u eegis ku sameeyaan muddo 60 cisho ah gudahood.
Wada hadalada u dhaxeeyay lixda dowladood ee quwadaha adduunka iyo Iiraan ayaa soo bilowday sanadkii 2006-dii, waxaana uu galayay marba marxalado ah.
Heshiiskan ayaa waxaa durbaba ka soo horjeesatay Israel oo u aragta mid caqabad ku ah, waxaana horay u jiray mad madow u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Netanyahu
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:59 and have
, Published at