daajis.com:- Waxaa Maalintii shalay Dalka Hindiya ka bilowday Xus ay dhigtaan dadka heesta Diinta Hinduuga, kuwaa oo isugu taga wabiga Godavari ee ku yaal gobalka Andhra Pradesh ee Dalka Hindiya.
Malaayiin qof ayaa taga Wabigaasi Godavari si ay uga soo qubeestaan, dadkan ayaana aaminsan hadii ay Wabigaasi kusoo qubeestaan in dambigii ay galeen laga cafinayo, xuskan ayaana ah mid soconaya 12-maalmood.
Wabiga Godavari waxaa durba ka dhacay is buurasho ay sameeyeen dadkii halkaasi u tagay xus diimeedka, waxaana isboorashadaasi ku dhintay dad gaaraya 27-qof , dad kale ayaa iyana loo qaaday isbitaalada kadib markii ay dhibaato soo gaartay.
Isbuurashada ayaa dhacday kadib markii boqolaal qof uu qof kasta doonayay in aan looga hormarin galida wabiga, waxaana dhacday in dadka ay is dar daraan qaarkood ayna dhacaan laguna joogsado sidaasna ay u dhintaan.
Dalka Hindia waxaa ku badan dadka heesta Diinta Hinduuga kuwaa oo sanad kasta isugu soo baxaya Xuska munaasabadan oo kale , waxaana goobaha uu xuskan ka dhacayo ka dhaca isbuurasho sababta in ay dad badan dhintaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:23 and have
, Published at