Daawo Sawirada:- Ganacsade Soomaaliyeed oo Badbaadiyay nolosha Kumanaan Soomaali ah oo halis ku jiray !!

Daawo Sawirada:- Ganacsade Soomaaliyeed oo Badbaadiyay nolosha Kumanaan Soomaali ah oo halis ku jiray !!

daajis.com:- Ganacsade Soomaaliyeed ayaa kaalin muuqata ka geestay bad baadinta kumanaan Soomaali ah oo ku go’doonsanaa Magaalooyin kuyaala Dalka Yaman, oo xiligan ay kasocdaan Dagaalo iyo Duqeymo ay dad badan noloshooda ku waayeen.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax ayaa ugu deeqay soo bad baadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Dalka Yaman Markab uu leeyahay oo lagu magacaabo Nawal 3, markabka ayaa dad ku dhaw 10-kun oo qof kasoo daabulay Dalka Yaman.

Markabka Nawal 3 ayaa wali ku howlan soo daad gureynta Soomaalida wali ku harsan qeybo kamid ah Dalka Yaman, waxa uuna markabka xiligan ku sugan yahay Dekadda Magaalada Mukallah halkaas uu kasoo qaadayo Soomaali badan oo ku dhibaateesan Magaaladaasi.



Ganacsade Cabdi Cali Faarax ayaa muujiyay sida uu uga damqaday dhibka soo gaarayay walaalaha Soomaaliyeed ee korkooda lagu dagaalamayay, waxa uuna ganacsadahan go’aansaday in Markab u diro Soomaalida ku go’doonsan Yaman uuna bixiyo qarashka ku baxaya markabka inta uu ku howlan yahay soo daad gureynta Soomaalida Yaman ku dhibaateesan.

Qof waliba Wanaag fala taariikhda ayaa xuseysa, waxa uuna ganacsdahan taariikhda ka galay baal dahab ah, waxa uuna buuxiyay doorkii looga baahnaa Dowlada Soomaaliya oo iyadu looga baahnaa in ay door weyn ka qaadato soo bad baadinta muwaadiniinteeda wali ku go’doonsan dalka Yaman.

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo Markabka Nawaal 3 dalkooda dib ugu soo celiyay ayaa u duceeyay ganacsadaha Soomaaliyeed ee ka damqaday gacana ka geestay soo bad baadintooda, waxa ayna ilaah uga baryeen in hantidiisa u barakeeyo ajarna ka siiyo wanaagii uu sameeyay ,iyagoona geesta kale ugu baaqay dadka kale ee hantida heesta in ay u gurmadaan Soomaalida wali Yaman ku go’doonsan.



Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa abaal marin iyo shahaado sharaf qarameed gudoonsiiyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax, waxa uuna R/Wasaaraha ku amaanay Ganacsadaha doorka uu kasoo baxay iyo sida uu uga damqaday walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateesan Dalka Yaman.

Colaada ka aloosan Dalka Yaman waxaa ku dhintay dad Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 140-qof, waxaa sidoo kale jira dad kale oo halis ugu jira in dalkaasi ugu geeriyooday baahi iyo cuduro, waxaana xeryaha iyo goobaha ay Wali Soomaalida ka joogaan Dalka Yaman laga soo sheegaya xaalado aad looga naxo.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada