FASHIL: Ajaaniibtii Al-Shabab ee u xirnaa Kenya oo xabsiga ka baxsaday iyo cabsi xoogan oo jirta

FASHIL: Ajaaniibtii Al-Shabab ee u xirnaa Kenya oo xabsiga ka baxsaday iyo cabsi xoogan oo jirta

daajis.com:- Sida lagu daabacay Wargeyska Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, labo ruux oo Ajaanib ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ka baxsaday xabsi ku yaallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xabsigaasi oo lagu xiro dadka Burcad badeeda iyo kuwa dambiyada gala.

Labadaan ruux ee Maxaabiista ayaa waxa ay ka mid ahaayeen shan ruux oo Maxaabiis ah, kuwaasi oo ka baxsaday xabsiga kadib markii sida la sheegay todobaadkaan gudihiisa ay u suuragashay  inay ka fakadaan Xabsiga.

Sarkaal ka tirsan Xabsiga Bungoma, oo lagu magacaabo Henry Ochieng, ayaa wuxuu u sheegay Warbaahinta in labadaasi nin ee u dhashay dalka Ingiriiska ay xabsiga ka baxsadeen, xilli tuhunka ay u xirnaayeen uu ahaa inay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Xabsiga sababta ay uga baxsadeen in lala xiriirinaayo musuq maasuq ay sameeyeen Saraakiisha haysa furaha xabsiga, waxaana uu tilmaamay  in baaris lagu haayo qaabka Saraakiisha ay  u baxsadeen.

Ciidamada ammaanka Magaalada Nairobi oo dhacdada lagu wargeliyay ayaa bilaabay baaritaan ku aadan ragga Xabsiga ka baxsaday ee Ajaanibta ah ee looga shakisan yahay inay Shabaab xiriir la leeyihiin.

Muwaadiniin badan oo u dhashay dalka UK ayaa ka mid ah Ururka Al Shabaab, xilli dagaalkii ciidanka Kenya iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray Lamu Bishii lasoo dhaafay lagu dilay dagaalame ka tirsan Shabaab oo u dhashay dalka UK.

Al Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta dalka Kenya ayaa waxaa ka bar bar dagaalama Ajaanib kala duwan oo wadamada reer Galbeedka u dhashay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada