Hoggaamiyaha Talibaan Mullah Omar oo soo dhoweysay wadahadalo

Hoggaamiyaha Talibaan Mullah Omar oo soo dhoweysay wadahadalo

daajis.com:-Hoggaamiyaha kooxda Talibaan, ee dalka Afghanistan, Mullah Omar, ayaa waxa uu taageeray wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo kooxdaasi.

Fariin nadir ah, ayaa hoggaamiyahan go’doonsan waxa uu ku sheegay in sharciga Islaamka uusan ka hor imaanaynin in wadahadal lala yeesho cadow.
Waxa uu sheegay in tan ay wado u tahay, in la soo afjaro ciidamada shisheeye ee dalkaasi jooga.

Waloow Mullah Omar, uusan si qaas ah u sheegin wadahadaladii tooska ahaa oo ay yeesheen dowladda iyo Talibaan, oo ay dhexdhexaadinayeen Pakistan, fariintan ayaa ah tii ugu horeysay oo looga hadlo kullankaasi.

Ciidamadda NATO ayaa si rasmi ah u soo afjaray howlgalkoodii dalka Afghanistan bishii December, laakiin ciidamadooda ayaa weli ku sugan dalkaasi, si ay u tababaraan xooggaga Afghanistan, waxaana la filayaa in iyagana ay isaga baxaan dabayaaqada sanadka 2016.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada